Waxaa Qorey: Cabdisalan C/Lahi Max’ed, PhD
Dunida casriga ah ee maanta, shirkadaha la-talinta waxay ciyaaraan door muhiim ah iyagoo bixinaya aqoon, fikrado istaraatiijiyadeed, iyo xalal hal abuur leh si ay uga caawiyaan ganacsiyada inay ka gudbaan caqabado badan. Shirkadahani waxay u adeegaan sidii la-taliyeyaal lagu kalsoonaan karo ee shakhsiyaadka, ururada, iyo dawladaha, iyaga oo ka caawinaya inay sameeyaan doorashooyin caqli-gal ah, hab-socodka ganacsi, iyo kor u qaadida korriinka muddada dheer. Shirkadaha la-talintu waxay lama huraan u yihiin horumarka dhaqan-dhaqaale iyo isbeddelka qaabdhismeedka hay’adaha gaarka ah iyo kuwa dawliga ah ee waddamada soo koraya sida Itoobiya, halkaas oo ganacsiga iyo hay’adaha kale ee ururadu aad ukala daadsan yihiin, fikradda ganacsi, mid maamul iyo maalgashiba si gaar ah yahay mid aad isku bed-bedala oo aan la saadaalin karin. Markaan fiirinno DDS fig-radaha ganacsigu waa mid soo noqnoqda oo fudud in laso dhiraan-dhiriyo, bulshada deegaankuna waa mid leh hal’abuur ganacsi marka loo eego bulsha weynta kale ee reer itoopiya, laakiin dhibaatada jirta waa sii wadista ganacsiga iyo ka gungaadhistiisa; ku dhawaad 85% ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhax-dhaxaadka ah ee laga aasaaso deegaanka ayaa fashilma labada sano ee ugu horeysa. Siloo saxo dhibaatooyinkan soo jireenka ah waxaa loo baahan yahay in shirkadaha latashi ee dhanka ganacsiga iyo maamulka loo baahanan yahay in si hufan uga howl-galaan deegaanka Soomaalida. Inagoo ah shirkadda latalinta horumarka ee Sahan, waxaan u heelannahay inaan dib u curinno taariikhdan oo aan isbedel muuqda ku samayno ganacsiga, maamulka iyo la-tashiga waxbarasho ee dawlad deegaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya.
